Dhisida iyo dib u soo celinta guryo tayo leh oo ka madhan sunta birta (macdanta lead) oo ay awoodi karaan dadweynaha Lewiston.

Choice ayaa qayb ahaan maalgelinaysa naqshadeynta iyo dhismaha 185 guri oo cusub, ammaan ah, isticmaala tamar tashiilan, guryo dakhli isku dhafan oo ay dadweynaha Lewiston ay awoodaan islamarkaana guri u noqon kara. Lewiston Housing, oo iskaashi la sameynaysaa Avesta Housing, waxay hogaamin doontaa dedaaladan horumarinta.

Guryahan 185 ka ah, 92 ka mid ah waa guryo beddel ah oo loogu talagalay qoysaska ay guryahooda caqabad leeyihiin ama gaboobay ee la burburin doono ama dib loo qaabayn doono. 93-ka guri ee kale waxay noqon doonaan qaar leh heerarka suuqa isku dhafan iyo guryaha shaqaalaha. Goobahan lagu noolaado waa kuwo tayo sare leh, oo ballaadhan waxaanay gacan ka geysanayaan kor u qaadista heerka hadda ee guryaha laga heli karo xaafadaha Tree Streets.

Maalgelinta Choice ayaa noo dhoweyn doonta hadafka Lewiston ee ah in la beddelo ama dib loo habeeyo 700 oo goobood ee guryaha leh macdanta birta sanad kasta 24-ka sano ee soo socda. Hadafka ugu dambeeya waa “Mid ka madhan birta sanadka 2043.”

Waa maxay sababta maalgashiga guryaha?

Maalgelinta Choice waxay beddeli doontaa qaar ka mid ah guryaha caqabada leh ee dhibaatada ku ahaa Lewiston sanado badan. Choice hada waxay dhiirigelineysaa maalgashi dheeraad ah si dib loogu dhiso loona beddelo guryo ugu caqabada badan badan, taaso gacan ka geysanaysa dib-u-dhiska sumcadda Lewiston oo ah magaalo la doonayo oo dadku rabaan inay ku noolaadaan.

Kaydka guryaha da’da ah ee la dayacay ee Lewiston wuxuu leeyahay heerar sare oo rinjiga birta ah – waxaanay khatar weyn oo caafimaadka dadweynaha ah ku tahay dadka deegaanka, gaar ahaan carruurta yaryar. Boqolkiiba afartan carruurta Lewiston waxay ku nool yihiin bartamaha magaalada Lewiston. Lewiston, gaar ahaan Tree Streets, waxay leedahay heerka ugu sarreeya ee sumowga birta ee carruurnimada ee Maine. Inta badan keydka guryaha xaafadaha Tree Street waxay u baahan yihiin dib-u-habeyn ku aadan birta ama beddelaad.

Hindisaha Horumarka ee Choice

Some new blue, modern housing condos line a beautiful residential street in Lewiston, Maine

Horumarinta hoos ku qoran waxay beddeli doonaan 92 guri oo la maalgeliyay oo ku yaal Maple Knoll, Lafayette Park, iyo dhowr guri oo yaryar oo kala filiqsan oo la awoodi karo. Marka lagu daro guryahaas beddelka ah, Lewiston Housing iyo Avesta waxay dhammaan goobahan ka dhisi doonaan 93 guryo shaqaale oo dheeri ah iyo guryaha heerka suuqa.

Wedgewood

Wedgewood waxaa laga heli doonaa jidka Pine Street, iyadoo diiradda la saarayo dib u dhiska dhismayaasha ku wareegsan jidadka Pine, Pierce, Walnut, iyo Bartlett Streets. Horumarkani wuxuu ka koobnaan doonaa 82 guri oo ku yaal 9 dhisme. Horumarkan cufnaanta hoose wuxuu noqon doonaa mid isku dhafan oo leh dib-u-habeyn taariikhi ah oo ku saabsan guriga Wedgewood House, dhismayaasha qaab-dhismeedka magaalada (townhouse), iyo guryaha dabaqyada.

Dhismayaashan waxay ka koobnaan doonaan hal, laba, saddex iyo afar qol oo isku dhafan.

Si laguu ogeysiiyo goorta Lewiston Housing bilaabi doonto qaadashada codsiyada Wedgewood, fadlan buuxi foomka liiska xiisaha.

DeWitt

Dewitt waxaa laga heli doonaa jidka Pine Street ee ka baxsan Kennedy Park. Goobtan beddelka ah waxay ka koobnaan doontaa laba dhisme oo wadar ahaan ah 103 hal iyo laba qol. Dabaqa koowaad ee dhisme kasta wuxuu bixin doonaa boos ganacsi oo loogu talagalay tafaariiqda ama boos xafiis.

Si laguu ogeysiiyo goorta Lewiston Housing bilaabi doonto qaadashada codsiyada DeWitt, fadlan buuxi foomka liiska xiisaha.

* Dhammaan nashqadaha guryaha waa jaantusyo horudhac ah waxayna ku xiran yihiin isbeddel.